Naisten Apu Espoossa ry
(Ururka
Caawimada Dumarka ee Espoo)
ESPOON
TURVAKOTI
(GURIGA
BADBAADADA EE ESPOO)
Jänismetsäntie 2,
02940 Espoo
09-5915130
www.espoonturvakoti.com
Caawimo miyaad u baahan tahay dagaal qoyska dhexdiisa
ah dartiis ?
Miyaad baqanaysaa, ma laguu hanjebaa?
·
gurigaaga
·
qofkaad isqabtaan
·
qofkaad wada nooshihiin
·
qofkaad wada socotaan
·
qof qoyskaaga
Ma dareemeysaa, inaadan keli ahaan u adkaysan karin
– maba
u baahnid.
Waxaannu rabnaa in aannu ku caawinno.
Waxaa
jira caawimooyin badan oo kala duwan oo adiga iyo ilmahaaga loogu
talagalay.
Adigaa
go’aanka iska leh wakhtigay caawimadu bilaamayso.
Maskaxdaada
waxaa ku jiri kara su’aalo badan iyo baqdimo.
Kuwaasna
waan ka wadahadlaynaa
Maxaa dhacaya, haddaad xaaladdaada u sheegto cid kale?
Waxaa dhici karta, in qofka ku dilaa kuugu hanjabo inay wax ka daran
kugu dhacayaan, haddii aad caawimo raadsato ama isku daydo inaad ka
tagto. Carruurta miyaa loo hanjebaa? Waxyaabaha hore lagu soo sheegay oo
dhan waa waxyaabo inta badan dhaca oo caadi ah oo uu ku kaco qofka
qoyskiisa dagaalka ku hayaa. ha ka yeelin inay hanjebaaddu ku hor
istaagto. Ka kac fadhiga. Si wadajir ah ayaannu kuula raadinaynaa, sidii
laguu taageeri lahaa.
Sidee
ugu adkaysataa
Dagaalka qoyska dhexdiisa ka jiraa wuxuu keenaa
culaysyo badan. Nolol maalmeedka caadiga ahi waxay noqon kartaa baqdin
dagaal joogto ah oo ah sidii looga bixi lahaa dhibaatada. Dhibaatada
waxaa looga bixi karaa, iyadoo lala xiriiro qolyaha kala duwan ee dadka
caawiya, kuwaas oo ah xafiiska sooshalka ee xaafaddaada, rugta
caafimaadka, rugta daryeelka hooyada iyo carruurta (neuvola), rugta la
talinta qoysaska (perheneuvola), shaqaalaha xannaanada ama iskuulka
carruurtaada. Booliskuna inuu ku caawiyo
waajib bay ku tahay.
Isticimaal
geesinimadaada
Talaabada ugu horaysa ee geesinimada kaaga baahani
waa, inaad dagaalka iyo hanjebaaddaad la kulantay u sheegto cid kale.
Wakhtigan hadda la joogo waxaa jira shaqaale badan oo xirfadaha dadka
caawiya ka socda oo aqoon fiican u leh dhibaatooyinka dagaalka qoysku
leeyahay, waxayna awoodaan oo diyaar u yihiin inay arrinta kaala
xaajoodaan.
GURIGA BADBAADADA EE ESPOO
heegan
buu
ku jiraa 24 saac
Guriga Badbaadada ee Espoo wuxuu maalin walba
caawiyaa
dumar dilliin lagu sameeyey iyo carruurtooda
Adigu xitaa ka mid baad noqon kartaa. Guriga
badbaadadu wuxuu leeyahay telefoon heegan ah oo 24 saac ah. Wakhtiga
adiga kuugu fiican baad soo wici kartaa. Haddaad rabto adigoon magacaaga
sheegayn baad soo wici kartaa, inkastoo aannu marka ugu horaysaba ku
leenahay adigu wax ceeb ah ma lihid, haddii aad la kulantay dilliin iyo
hanjebaad ama dagaal xaga nafsada ah. Soo wac
09-5915130. Shaqaalaha heeganka ee guriga badbaadadu diyaar bay kuu yihiin, inay
kula sheekeystaan.
Waad
soo wici kartaa
Si aad uga hadasho dareenkaaga, cidhiidhiga iyo
baqdinta ku haysta. Si aad dadka fikrado isu dhaafsataan, talana aad u
hesho. Guriga badbaadada waxaa kuu jawaabaya qof shaqaale ah oo u bartay
inuu caawiyo dumar adigoo kale ah oo ku soo dhex noolaa qoys dagaal leh.
Waad
imaan kartaa
Oo waxaad la kulmi kartaa shaqaalaha guriga
badbaadada, si aad ula hadasho, isulana qorshaysaan nooca caawimada ah
ee aad diyaar u tahay in lagu siiyo. Adigana si wadajir ah ayaa laguula
raadinaynaa noocyada kala duduwan ee caawimada ah.
Guriga badbaadadu wuxuu ku yaallaa
Espoo, wuxuuna u dhow yahay Isbitaalka Jorvi, xaafadda Lippajärvi,
Vanhan Turuntie iyo Guriga Aurorakoti nawaaxigooda. Cinwaanku waa
Espoon
Turvakoti, Jänismetsäntie
2, 02940 Espoo.
Guriga
Badbaadada ee Espoo waad imaan kartaa si aad
macaamiil uga noqoto
Inta badan
dagaalka qoyska dhexdiisu wuxuu keenaa, inay noqoto inuu qofku guriga ka
tago. Dilliinkuna marba marka ka dambaysa wuu ka sii daraa, oo wuu ka
sii khatarsan yahay. Dilliinka waa inaad wax weyn u aragtaa. Waxaa laga
yaabaa inaad sahashato dilliinka adiga iyo ilmahaaga lagu hayo. Arrinta
anaga nagala hadal. Qof ehelkaaga ahi nabadgelyadaada ma ka welwelsan
yahay? Dilliinka lagugu hayo ma u sheegtay sooshalkaaga, dhakhtar,
booliska ama shaqaalaha la talinta qoyska? Guriga badbaadadu waa meeshay
tahay inaad timaado, haddii gurigaaga lagugu dilo, lagu kala tuuro,
laguu hanjebo, hurdada laguu diido, laguu diido inaad carruurtaada
daryeesho amaba haddii sidaadaba gurigaaga markaad joogto baqdin ku
hayso.
Guriga Badbaadada ee Espoo haweenta dilliinka lagu
sameeyey ilmeheeday kula noolaan kartaa (ama iyadoon ilmaheeda wadan) si
ay ugu baxdo wakhtigan dhibaatada leh ee dagaalka qoyska dhexdiisu
keenay. Wakhtiga guriga badbaadada la joogaa wuxuu u dhexeeyaa dhawr
maalmood ilaa dhawr bilood, mar walba waxay ku xiran tahay qofka
baahidiisa gaarka ah.
Guriga badbaadada waa laga aadi karaa shaqada,
iskuulka iyo xannaanadaba. Macaamiisha guriga badbaadada waxaa laga
taageeraa waxyaabaha nolosha la xiriira, waxayna helaan adeegyada
arrimaha bulshada iyo caafimaadka iyo adeegga looyarada. Hawsha guriga
badbaadadu waa, inuu siiyo dumarka dilliinka la kulmay iyo
carruurtooduba meel ay ku nabadgalaan, si ay ugu suurowdo isbeddelka ay
u baahan yihiin, si ay uga baxaan nolosha dagaalka iyo dilliinka leh ee
ay la soo kulmeen. Waxyaabaha caadiga ah ee guriga badbaadadu qabto
waxaa ka mid ah arrimaha guri raadinta, arrimaha dalbashada furriinka,
arrimaha masuuliyadda iyo la kulanka carruurta, geynta dacwada,
waraysiyada booliska iyo su’aalaha la xiriira sidii lagu heli lahaa
dhaqaalaha nolosha.
* Dagaalka qoysku waa dembi hoostaga xeerilaaliyaha
sharciga ah
* Dagaalka qoysku xuquuqda bini-aadannimaduu ka soo
horjeedaa
* Ma aha inaad ogolaato dagaalka qoyska
*
Dagaalka qoyska waa laga raystaa
La
soo xiriir
Muddo dheer
ayaannu caawineyney dumar dilliin lagu sameeyey, oo waxaannu ka hellay
aqoon badan oo aad adigu ka faa’iideysan karto.
Ururka
Caawimada Dumarka ee Espoo waa urur ay dumar aasaaseen, si ay uga soo horjeestaan dilliinka
dumarka lagu sameeyo. ururka waxaa la diwaangeliyey sannadkii 1980.
Guriga
Badbaadada ee Espoo waxaa la furay 1.1.1983 si uu u noqdo meel lagu badbaadiyo dumarka
dilliinka lagu sameeyey iyo carruurtooda wakhtiga dhibka degdegga ahi
hayo. Guriga badbaadadu wuxuu leeyahay toban qol oo la deggen yahay iyo
meel lagu cunteeyo iyo meel fadhi ah o dadka ka dhexeeya.
Gurigan
badbaadada maamulidiisa mooyee, ujeeddada ururku waa fulinta sidii
aqoonta guud loo gudbin lahaa, iyadoo la qabanqaabinayo shirar,
koorsooyin, munaasabado wax laga soo jeediyo laguna wadahadlo, iyadoo
saamayn lagu yeelanayo hadalka saxaafadaha lagu soo bandhigo iyo iyadoo
qoraalo daabacan la samaynayo.
Ujeeddada
ururku waxay kaloo tahay in saamayn lagu yeesho sharciyada degsan,
shaqaalaha maamulka iyo qolyaha degmooyinka ee goaamada gaadha , sida
loo saamaynayaana waa iyadoo waxyaabo loo soo jeedinayo warbiximana la
siinayo. Ururku wuxuu rabaa inuu la shaqeeyo hay’adaha kale ee u
dhigma iyo qolyaha kale ee maamulka dowladda iyo kuwa iskaa wax u qabso
ku shaqeeya ee ka soo horjeeda dilliinka dumarka lagu sameeyo.
|